|
|||||||||||||
|
|
|||||||||||||
|
|
Adeegga netka (Verkkopalvelu) waxaa lagu hirgeliyey Mashruuca xarunta waxbarashada ee furan (Avoin oppimiskeskus -projekti) sannadaha 2001-2003 isagoo ah wadashaqayn ka dhaxaysa Xarunta Dhaqamada Caalamiga ah ee Caisa (Kansainvälinen kulttuurikeskus Caisa) iyo Maktabadda magaalada Helsinki. Mashruuca waxaa maalgeliyey magaalada Helsinki iyo Maalgelinta arrimaha bulshada ee Yurub (Euroopan sosiaalirahasto). Sannadkii 2005 Bangiga wararku wuxuu noqday adeeg waddanka oo dhan ku faafahay. Hadda boggaga waxaa ku qoran warar guud oo waddanka oo dhan ku saabsan iyo weliba warar gaar ahaan ugu saabsan magaalooyinka Helsinki, Kuopio, Rovaniemi, Turku, Tampere iyo deegaanka Kainuu. Wakhtigan hadda la joogo adeeggan waxaa maalgeliya wasaaradda arrimaha gudaha, wasaaradda waxbarashada iyo magaalooyinka wararkooda halkan laga helo. Dhisidda waxyaabaha ku qoran boggaga Bangiga wararka waxaa naga caawiyey hay’adaha adeegyadoodu boggaga ku qoran yihiin iyo aqoonyahanno kale. Wadashaqaynta naga dhaxaysaana weli way socotaa. Macluumaadka guud ee Bangiga wararka waxaa u xilsaaran Gudoonka Bangiga wararka ee Helsinki, kaas oo sidoo kale u xilsaaran macluumaadka ama wararka ku saabsan adeegyada magaalada Helsinki. Macluumaadka kale ee degmooyinka kale gaar ahaan u khuseeya waxaa u xilsaaran gudoonka magaalada ay arrintu khusayso. Horumarinta Bangiga wararka waxaa taageera guddiyada gudoomada, kuwaas oo ay ka qaybqaataan shaqaalayaal badan oo maamulka dowlada ah iyo ururo badan oo shacabka ah. Hirgelinta xagga farsamada waxaa u xilsaaran shirkadda Sininen Meteoriitti Oy. Semantix Lingua Nordica Oy waxay boggaga Bangiga wararka u turjuntay luuqadaha Iswiidhish, Ingiriis Soomaali, Ruush, Istooniyaan, Faransiis, Serbokroati, Turki, Farsi, Albaaniyaan iyo Isbaanish. Shirkadda Lingua Nordica Oy ayaa u xilsaaran cusboonaysiinta ku saabsan turjubaanidda qoraalada ah. Boggaga af Carabiga ah waxaa turjumey Ahmed Khalil, waxaana cusboonaysiin ku sameeya Edmon Dolaian. Boggaga af Shiinayska ah waxaa turjumey ururka Chinese-Finnish Media Team, turjubaanidaha cusubna waxaa samaynaya Lei Zhang. Waxaannu u mahadcelinaynaa dhammaan dadka ka qaybqaatay soo saaridda Bangiga wararka!
|
|
|||||||||||
|
|
|||||||||||||