Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Xaggee shaqo laga helaa

Mistä työtä?

"Bini aadanku wuxuu u shaqeeyaa, siduu cuntada u cuno oo kale."
(Maahmaah Jek ah)

Markaad shaqo raadinayso, fursado badan oo kala duduwan ayaad leedahay. Shaqo waxaad raadsan kartaa adigoo joornaaladda kaashanaya (Helsinki gudeheeda tusaale ahaan Helsingin Sanomat, Metro, 100-lehti). Internetku waa hab sahlan oo aad degdeg shaqo ugu raadsan karto shaqooyinka bannaan. Telefishanka xitaa adoo kaashanaya ayaad shaqo raadsan kartaa: teksti-tv: iyo barnaamijyada qaarkood (oo ay ka mid yihiin Avoimet työpaikat) waxaad ka heleysaa warar ku saabsan shaqooyinka bannaan. La soco ogeysiisyada lagu dhejiyo sabuuradaha ogeysiisyada ee tusaale ahaan machadada waxbarashada.

Intaadan codsiga shaqo dalbashada qorin ka hor, xasuuso inaad si fiican u akhrido ogeysiiska shaqada bannaan. Halkan ka fiirso tusaale af Finnish ah, oo ku saabsan sida loo akhriyo ogeysiiska shaqada bannaan.
Tusaalaha waxaa loo turjumey luuqadahan soo socda:
Carabi
Ingiriis
Ruush
Serbokroati

Waxaase jirta in qiyaastii 20 % oo keliya oo ah shaqooyinka bannaan la soo shaacbixiyo. Waa muhiim inaad daka isbarataan. Saaxiibada, qaraabada iyo deriska ayaad kuu soo gudbin kara wararka. Shaqooyinka gaagaaban xitaa waa inaad ka faa'iideysataa oo sidaas dadka isku barataan. Waxaa wanaagsan inaad qolyaha shaqada bixiya codsi shaqo u dirsatid, xitaa haddii aanay markaas boosas bannaan oo shaqo ah haynin.

Haddii aad weydid shaqo maalintii oo dhan ah, waxaad samayn kartaa shaqo saacado gaaban ah ama shaqo tuurtuurasho ah. Laakiin ogow, haddii aad shaqo tuurtuurasho ah samaysid, xafiiska shaqadu inta badan shaqo la'aan kuma xisaabinayo. haddii aad firfircoon tahay waxaa suuragal kuu ah inaad samaysato ganacsi aad adigu leedahay. Sidoo kale waxaa suuragal ah inaad xafiiska shaqada adigoo kaashanaya heshid nooc ka mid ah noocyada kala duduwan ee shaqooyinka taageridda (tukityö) ama aad heshid meel aad shaqo barasho u tagtid. Ogow fursadaha kala duduwan.