Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Warar adeegga ku saabsan

Warar ku saabsan adeegga

Adeegga shebekadda Infopankki.fi wuxuu taageeraa siday dadka waddanka u soo guurey ula qabsan lahayeen waddanka, oo adeegga shebekadda waxaa laga helaa warar 15 luuqadood oo kala duduwan ah oo ku saabsan bulshada Finland iyo adeegyadeeda, waana warar loogu talagalay dadka waddanka u soo guurey ee isticimaala adeegga shebekadda. Boggaga Infopankki.fi waxaa ku qoran warar aasaasi ah oo ku saabsan waxyaabo ay ka mid yihiin arrimaha ogolaanshaha sharciga (lupa-asiat), waxbarashada iyo shaqada, deggenaanshaha guryaha iyo adeegyada sooshalka, bulshada, dhaqanka iyo wakhtiyada firaaqada ah (madadaalooyinka).

Adeegga shebekaddu (Verkkopalvelu) wuxuu leeyahay saddex kooxood oo muhiim ah oo loogu talagalay:

  • dadka waddanka u soo guurey ee Finland deggen
  • shaqaalaha dowladda ee arrimaha dadka waddanka u soo guurey iyo
  • dadka ajnebiga ah ee ku talajira inay u soo guuraan Finland

Bangiga wararku (Infopankki) wuxuu u adeeggaa dadka waddanka u soo guurey ee Finland oo dhan jooga, laakiin gaar ahaan Bangiga wararku wuxuu u adeegaa dadka waddanka u soo guurey ee deggan magaalooyinka Bangiga wararka xubinta ka ah. Boggaga waxaa ku qoran warar u gaar ah Deegaanka Helsinki (Helsinki, Espoo, Vantaa iyo Kauniainen), Turku, Tampere, Kuopio, Rovaniemi iyo weliba deegaanka Kainuu (Kainuun maakunta). Mustaqbalka xitaa degmooyin cusub way ku soo biiri karaan adeegan oo xubin bay ka noqon karaan.

Bangiga wararku (Infopankki) luuqadaha uu ku qoran yahay waa Finnish, Iswiidhish, Ingiriis, Istooniyaan, Faransiis, Ruush, Soomaali, Serbokroati, Turki, Carabi, Farsi, Shiine, ISbeyn, Albaaniyaan iyo Kurdi (sorani). Luuqadaha oo dhan warar isku mid ah ayaa ku qoran, sidaas darteed arrintu xitaa iyadoo dhexda kuu maraysa ayaad luuqad kale u wareegi kartaa oo isla arrintii ka fiirsan kartaa.

Infopankki.fi wuxuu ku salaysan yahay isurursi (verkostoituminen), wadashaqayn iyo war isdhaafsi ka dhexeeya shaqaalaha dowladda, hay’addaha iyo ururada shacabka ah (kolmas sektori), dadka waddanka u soo guurey iyo qolyaha kale ee wax wada qabsiga lala leeyahay. Waxyaabaha ku saabsan wararka guud ee adeegga shebekadda waxaa u xilsaaran maamulka Bangiga wararka ee Helsinki (Infopankin Helsingin toimitus), kaasoo sidoo kale u xilsaaran adeegga wararka ee qaybta Deegaanka Helsinki. Wararka kale ee degmo walba gaarkeeda u saameeya waxaa u xilsaaran maamulka degmada uu warku ku saabsan yahay.

Sii cusboonaysiinta adeegga shebekeddaee Bangiga wararka 2009-2011

Inta lagu jiro sannadaha 2009-2011 ayaa adeegga shebekedda lagu samaynayaa sii cusboonaysiin ah xagga waxyaabaha ku qoran, xag dhismo ahaaneed iyo xag farsamo ahaaneedba. Sii cusboonaysiintu waxay keeneysaa in Bangiga wararku noqdo mid sidii hore si ka fiican ugu adeega kooxaha kala duduwan ee ah dadka waddanka u soo guurey. Sii cusboonaysiinta marka la samaynayo waxaa iyana tixgelin la siinayaa dadka waddanka ugu soo guura shaqo darteed, ardayda iyo dadka qaxootiga ah iyo weliba siyaabaha wararka ay u baahan yihiin u kala duduwan yihiin. Waxaa la aasaasay guddi isticimaalayaal ah oo ka kooban 15 qof oo ah dadka waddanka u soo guurey, guddigaasna waxaa loogu talagalay inuu taageero sii cusboonaysiinta adeegga shebekadda. Mawduucyada dib u habaynta ka muuqanayaa waa sinnaanta iyo iyo isku qiimo ahaanshaha.

Sannadka 2009 waxaa Bangiga wararka ku soo biiray oo qayb ka mid ah noqday Xarunta adeegga wararka ee dhaqamada kala duduwan ee deegaanka oo la yiraahdo Selma (Seudullinen monikulttuurinen tietopalvelukeskus Selma), waana mid loogu talagalay shaqaalaha deegaanka Helsinki ee ka shaqeeya hawlaha arrimaha dhaqamada kala duduwan iyo hawlaha arrimaha dadka waddanka u soo guurey. Bangiga wararka ayey si joogto ah uga socotaa shaqada ah daryeelka iyo horumarinta boggaga shaqaalaha loogu talagalay.

Adeegga wararka ee ku saabsan koorsooyinka luuqadda Finnishka waxaa la furayaa sannadka 2010, adeeggaas oo noqon doona qayb ka mid ah Bangiga wararka. Waxayna noqon doontaa in wararka koorsooyinka ku saabsan la helo iyagoo ah hab sidii hore ka faahfaahsan, kuna qoran af Finnishka, af Ingiriiska iyo af Ruushka. Ilaa inta sii cusboonaysiinta laga gaarayo, wararka ku saabsan koorsooyinka luuqadda Finnishka waxaa laga helayaa cinwaanka: www.selma-net.fi. Wargelinta ku saabsan koorsooyinka waxaa lagu sii cusboonaysiinayaa mashruuca Maalgelinta arrimaha bulshada ee Yurub ee NEO-Selma -ESR-projekti.

Marka sii cusboonaysiinta lagu samaynayo adeegga shebekadda ee Bangiga wararka waxaa kaloo laga faa’iideysanayaa oo la isticimaalayaa wararka loogu talagalay dadka shaqo darteed waddanka ugu soo guurey, wararkaas oo lagu soo diyaariyey mashuuca Wakaalada Kiimikada ee Yurub ee magaalada Helsinki (Helsingin kaupungin Euroopan kemikaaliviraston = ECHA), mashruucaas oo wakhtigiisu yahay (2007-2009).

Maamuliddaiyo maalgelinta adeegga

Bangiga wararka horumarintiisa iyo sii cusboonaysiinta waxaa suuragal ka dhigaya heshiis wadashaqayn ah oo shan sannadood ah (2009-2013) oo ay wada galeen dowladda iyo degmooyinku. Hay’adaha dowlada ee maalgelinta ka qaybqaadanayaa waa wasaaradda arrimaha gudaha, wasaaradda shaqada iyo xoogsashada (työ- ja elinkeino­ministeriö), wasaaradda waxbarashada iyo Hay’adda Hawlgabka Qaranka (Kela). Waxaa kaloo intaa dheer in mashruucani wasaaradda maaliyadda ka dalbanayo taageerada dowladda, si adeegga loo horumariyo, loona maalgeliyo. Qaybta degmooyinka waxaa u xilsaaran degmooyinka xubnaha ka ah. Waxqabadka Bangiga wararka waxaa haga koox hagitaan (ohjausryhmä) oo xubneheedu ka kala socdaan qolyaha waxqabadka maalgeliya. Maamul ahaan Bangiga wararku wuxuu hoos yimaadaa Xarunta dhaqamada ee Helsinki (Helsingin kulttuurikeskus).

Taariikh

Adeegga shebekadda ee Bangiga wararku (Infopankki.fi -verkkopalvelu) wuxuu ka dhashay mashruuc ahaa Xarunta Waxbarashada Furan oo ahaan sannadihii 2001–2003 (Avoin oppimiskeskus-projekti). Mashruuca waxaa si wadajir ah u hirgeliyey Xarunta Dhaqamada Caalamiga ah ee Caisa iyo maktabadda magaalada Helsinki (Kansainvälisen kulttuurikeskus Caisa; Helsingin kaupunginkirjasto). Sannadkii 2005 Bangiga wararka waxaa ku soo biiray magaalooyinka Turku iyo Tampere, sanadkii 2006 waxaa ku soo biiray magaalooyinka Rovaniemi, Kuopio iyo deegaanka Kainuu. Espoo, Vantaa iyo Kauniainen boggagooda waxaa la furaysannadkii 2009 iyagoo ka mid ah qaybaha Deegaanka Helsinki.

Abaalmarimaha aqoonsashada ah ee la siiyey

2007

Shaabadda tayada ee Golaha Yurub (Euroopan komission laatuleima)  ee la siiyo adeegyada shebekaddaha dowliga ah ee wanaagsan (Good Practice label)

2008

Abaalmarinta dowlada ee soo saaridda wararka (Tiedonjulkistamisen valtionpalkinto), Xarunta Dhaqamada Caalamiga ah ee Caisa iyo Bangiga wararka (Kansainvälinen kulttuurikeskus Caisa; Infopankki)
Virsu-ga sannadka (Vuoden Virsu), abaalmarinta wadajir ahaaneed ee shaqada Suomi.fi (Suomi.fi -toimituksen yhteistyöpalkinto)